Qaramada Midoobay cambaareysay talaabo ay qaadey Yahuuda

Image
Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay gantaalo cirka ah ku rideen diyaarad helikobter ah oo Israel leedahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Lix qof ayaa ku dhintay, qaar kalena dhaawacyo halis ah ayaa ka soo gaadhay duqayn cirka ah oo ay Israa’iil la beegsatay badhtamaha Beirut habeen hore.

Milateriga Israa’iil ayaa uga digay dadka Lubnaan ee lagu amray inay ka guuraan tobannaan tuulo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan inay ka fogaadaan “ilaa amar dambe”.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay xayiraadda socdaalka ee Israa’iil ay saartay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “hal weerar oo kale” oo ay ku qaadday shaqaalaheeda dowladda Israa’iil.

Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaysa in ay bilawdo wareeg labaad oo talaalka dabaysha ah dhamaadka bishan Gaza ilaa 640,000 oo caruur falastiiniyiin ah.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay gantaalo cirka ah ku rideen diyaarad helikobter ah oo Israel leedahay oo dul heehaabaysay waqooyiga Israa’iil, taas oo ku qasabtay diyaarada militariga in ay dib u gurtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qareen: Dacwad lagu soo oogay ilaaliyaha gaarka ah ee Ilhaan ayaa loo adeegsaday raadinta xog ka dhan ah

Dacwad-oogayaasha federaalka Maraykanka ayaa bilo ku hawlanaa sidii ay xog ka dhan ah xildhibaanad Ilhaan Cumar uga heli lahaayeen….

  • Caalamka

    12-11-2026

  • 07:00AM

Qareen: Dacwad lagu soo oogay ilaaliyaha gaarka ah ee Ilhaan ayaa loo adeegsaday raadinta xog ka dhan ah

Dacwad-oogayaasha federaalka Maraykanka ayaa bilo ku hawlanaa sidii ay xog ka dhan ah xildhibaanad Ilhaan Cumar uga heli lahaayeen….

  • Caalamka

    12-11-2026

  • 07:00AM