Qaramada Midoobay oo cambaareysay haweenaw lagu dilay Gaza

Image
Haweeneyda ayaa waxaa toogtay ciidamada Yahuuda xilli ay ka qeybgalaysay banaanbax.

DOOXA, Qadar - Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilka haweeney u dhalatay Mareykanka iyo Turkiga oo ka dhacday Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, xilli ay dibadbax ka socdeen Jimcihii.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Aysenur Ezgi Eygi, oo 26 jir ah, ay toogteen ciidammada Israa’iil, xilli ay ka qaybqaadanaysay mudaaharaad toddobaadle ah oo lagaga soo horjeedo ballaarinta deegaamaynta Yuhuudda ee magaalada Beita ee u dhow Nablus.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay "baarayaan wararka sheegaya in qof ajnabi ah uu ku dhintay rasaas ka dhacday aaggaas".

Qoyska Ms Eygi ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay aad uga naxeen oo ay uga murugoodeen in uu meesha ka baxay qofka jecel oo "u u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM