Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda Brundi

Image

17 December, 2015(GO)-Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan xaaladda ammaan ee dalka Burundi, kadib dilal qorshaysan iyo rabshado ka dhashay markii Madaxweynaha waddankaasi Pierre Nkurunziza uu shaaciyay hogaanka dalka u tartamayo mar saddexaad.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shir jaraa'id ku qabtay magalada New York ee dalka Maraykanka ayaa tilmaamay inuu ka naxsanyahay fowdada waddankaasi madaxa lagalay.

"Runtii aad ayaan uga naxsanahay waxa ka socda Burundi ee isugu jira qalalaasaha iyo rabshadaha dalkaasi ka sii socda, waxaana ka walwal qabaa inuu dalkaasi galo dagaallo sokeeye" Ayuu Ban Ki-moon.

Lataliyihiisa gaarka ayuu sheegay xoghayuhu inuu u dirayo Burundi, si madaxda dalkaasi talo galin uga siiyo dajinta xiisadda iyo qaabkii loo soo celin lahaa boqolaalka kun qof ee waddanka ka barakacay.

Hadalka Ban ayaa imaanaya iyadoo dalkaasi ka socdo dagaalladii ugu xumaan, waxaana caasumadda Bujumbura hareysay dilal qorshaysan oo lagula kacayo mas'uuliyiin iyo shacab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM