Qaramada Midoobay oo kordhisay xayiraada hubka Somalia

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay xayirada dhinaca hubka ee saaran Somalia, waxaana la kordhiyay ilaa November, 2016.

Golaha ayaa sidoo kale kordhiyay shaqada kooxda u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ilaa iyo 15 December 2016, waxaana arrintan u codeyay 14 dal oo ku jira Qaramada Midoobay, halka dalka Venezuela  ka aamustay.

Xubno ka tirsan dowladda Federaalka iyo Barlamanka Somalia ayaa lagu eedeeyay msuq-maasuq, lunsashada hantida Qaranka iyo ku lug lahaanshaha falal dib u dhigi kara hannaanka geedi socodka Somalia, waxaana la sheegay inay la kulmayaan xayiraad.

Kordhinta xayiraada hubka Somalia ayaa imaanaysa xilli dhawaan Qaramada Midoobay soo saartay warbixin ay kaga hadashay xaaladda Somalia, waxaana lagu dhaliilay siyaasadda xukuumadda Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM