Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la joojiyo colaadda Yemen

Image
Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dagaal toos ah la galay Xuuthiyiinta

Sanaa (GO) - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa Arbacadii ku baaqay in la qaado tallaabo lagu soo afjarayo colaada ka aloosan Yemen.

Xuutiyiinta ayaa in ka badan 2 bilood waxa ay wadeen weeraro ay ku bartilmaameedsanayaan maraakiib maraya badda cas, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay xiriir la leeyihiin Israa’iil.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dhankooda dagaal toos ah la galay Xuuthiyiinta, iyagoo duqeymo ka wada goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ka jawaabaya waxa ay u arkeen inuu halis ku yahay isu socodka badda cas. 

Ka hor dagaalka Qasa, dhinacyada ku loolamaya talada Yemen ayaa isku diyaarinayay inay galaan geeddi-socod nabadeed oo ay Qaramada Midoobay hormuud ka tahay, kaas oo lagu wado in markii dambe lagu soo afjaro dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM