Qaramada Midoobay oo soo saartay digniin la xiriirta cudurka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in dalalka qaarkood ay adeegsanayaan awoodo xad-dhaaf ah si ay u xakameeyaan fayruska safmarka ah ee Corona.

Guterres oo warbixin soo saarey ayaa ka digay in ololaha ka hortagga safmareenkan uu sababo dhibaatooyin bini'aadanimo.

Warbixintiisa oo soo baxday Khamiistii ayuu ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in aad looga taxadaro mushkiladaha uu farta ku fiiqay.

"Waxaan aragnaa saamaynta aan loo baahnayn ee ku aaddan bulshooyinka qaarkood, kororka hadalka nacaybka, beegsiga kooxaha nugul, iyo khataraha fal-celinta dhanka amniga ee adag waxay wiiqayaan jawaabta caafimaadka ee laga bixinayo," ayuu raaciyey.

Sidda laga soo xigtay Guterres, qaxootiga oo kamid ah dadka u nugul waxaa muhiim ah in ay helaan daryeel caafimaad oo gooni ah.

Dhawaqa kasoo yeeray UN-ka ayaa kusoo aadaya xilli tiradda kiisaska xanuunka ee guud ahaan caalamka ay sii kordhayaan.

Tiradda kiisaska ee illaa iyo haatan laga diiwaan-geliyey dunida ayaa kor-u-dhaafaya 2.5 miliyan, dadka u geeriyooday waxay ka badan yihiin 170-kun; bukaanada kasoo kabtay waa in ka badan 700-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM