Qarax dad badan ku laayay Pakistan

Image

29 December, 2015(GO)-Qarax ka dhacay xafiis dawladeed oo ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, ayay ku dhinteen 22 ruux, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxu wuxuu ka dhacay xafiiska aqoonsiyada qaranka laga qaato oo kuyaala magaalada Mardan.

Qayb ka mid ah Taalibaanka Pakistan ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen qarxaasi oo sidoo kale dhaawacay in kabadan soddon ruux.

Weerarkani waa mid ka mid ah kuwii ugu darnaa tan iyo bishii 12 ee sanadkii 2014-kii markaas oo weerar lagu dilay 150 macalimiin iyo caruur isugu jira, kaas oo ka dhacay Peshawar.

Waxaa lagu soo waramayaa in qofka gaystay qaraxa Mardan, uu ku yimid goobta mooto uuna is qarxiyay markii ay waardiyeyaashu istaajiyeen.

Caadiyan xafiiska la qarxiyay waa mid safaf dhaadheer loo galo si looga qaato aqoonsiyada dalkaasi.

Booliisku waxay geerida ku sheegeen 22, inta badan dadka dhintay ama dhaawacmay waxay u badanyihiin dad shacab ah sida uu ku soo waramayo wariyaha BBC-du.

16 mayd iyo dad dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay xarunta caafimaadka ee Bach Khan, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xigasho: BBC

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM