Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsan ciidamada dembi-baarista Soomaaliya ee C.I.D-da ayaa ka badbaadey qarax loogu xiray gaari nooca raaxadda ah oo uu watay kaasoo ku qarxay wadada Makka Al-Mukarama ee magaaladda Muqdisho.

Gaariga oo ahaa nooca NISSAN SURF ayaa ku qarxay kasoo horjeedka hotel Furat, gaar ahaan dhismaha Banadir Plazza hootiisa halkaasi oo la sheegay inuu uga degay Sarkaalkii watay.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa lala damacsanaa in lagu khaarijiyo Cumar Cabdi Cilmi, oo ah taliyaha qeybta dembi-baarista, balse ka badbaaday isku daygaasi.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada uu qaraxa ka dhacaya ayaa mudo daqiiqado ah hakad galay, kadib markii ciidamada booliska dowladda xireen jidka mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya inuusan jirin wax khasaaro ah oo uu sababay qaraxa gaari, kaasoo kusoo beegmaya xilli todobaad kahor ay magaaladda ka dhaceen dhowr qarax, oo qaarkood lagu weeraray Hotel-ka Makka Al-Mukarama, oo burbur kasoo gaarey.

Al-Shabaab ayaa inta badan Saraakiisha hay'adaha amaanka dowladda ku khaarijisa qaraxayo ay ugu xirto baabuurta ay wataan, iyadoo Kooxdan sidoo kale kordhisay falal dilal beegsiga ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Iran waxay dib uga bilaabi kartaa barnaamijka nukliyeerka meelo cusub

Dowladda Iran ayaa marar badan sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid ujeedkiisu yahay nabad.

  • Caalamka

    05-07-2025

  • 08:01AM

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM