Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsan ciidamada dembi-baarista Soomaaliya ee C.I.D-da ayaa ka badbaadey qarax loogu xiray gaari nooca raaxadda ah oo uu watay kaasoo ku qarxay wadada Makka Al-Mukarama ee magaaladda Muqdisho.

Gaariga oo ahaa nooca NISSAN SURF ayaa ku qarxay kasoo horjeedka hotel Furat, gaar ahaan dhismaha Banadir Plazza hootiisa halkaasi oo la sheegay inuu uga degay Sarkaalkii watay.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in qaraxa lala damacsanaa in lagu khaarijiyo Cumar Cabdi Cilmi, oo ah taliyaha qeybta dembi-baarista, balse ka badbaaday isku daygaasi.

Isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada uu qaraxa ka dhacaya ayaa mudo daqiiqado ah hakad galay, kadib markii ciidamada booliska dowladda xireen jidka mashquulka badan ee Makka Al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya inuusan jirin wax khasaaro ah oo uu sababay qaraxa gaari, kaasoo kusoo beegmaya xilli todobaad kahor ay magaaladda ka dhaceen dhowr qarax, oo qaarkood lagu weeraray Hotel-ka Makka Al-Mukarama, oo burbur kasoo gaarey.

Al-Shabaab ayaa inta badan Saraakiisha hay'adaha amaanka dowladda ku khaarijisa qaraxayo ay ugu xirto baabuurta ay wataan, iyadoo Kooxdan sidoo kale kordhisay falal dilal beegsiga ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM