​Qarax ka dhacay magalada Qudus

Image

Weerar loo adeegsaday baabuur lagu rakibay walxaha qarxa ayaa ka dhacay magalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 15 qof.

Qaraxan waxaa fuliyay ruux Falastiini ah sida aan kasoo xiganay warar hordhac ah oo saraakiisha Boliisku soo saareen.

Waxay intaasi raacsheen in weerarku ahaa fal argagixiso inkastoo weli baaritaanku socdo.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dab iyo uuro hawaada isku shareeray, waxaana socda gurmad ay fidinayaan kooxaha dab damiska.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli Isra'iiliyiintu isu diyaarinayaan maalinta ay xusaan ee loo yaqaano "Passover holiday".

Todobadii bilood ee ugu dambaysay, waxaa la dilay 28 Israa'iilyiin ah, 2 u dhashay America kadib weeraro is xig xigay oo ay qaateen kooxaha kasoo horjeeda Yuhudda, waxaana sidoo kale dhintay 189 u dhashay dalka Falastiin.

Isra'iil ayaa sheegtay dadka dhintay badankoodu inay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM