Qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Image

January 31, 2015 (GO)- Ugu yaraan 49 qof ayaa ku geeriyoodey tobanaan kalena way ku dhaawacmeen qarax shalay ka dhacay masjid dadka Shiicada ahi leeyihiin oo ku yaala magaalada Shikarpur ee koonfurta dalka Pakistan.

Qaraxa ayaa dhacay waxyar kahor salaadii Jimcaha, markaasoo boqollaal qof isugu soo urureen gudaha iyo banaanka hore ee masjidka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Pakistan Nisar Ali Khan oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi yahay mid waxashnimo ah oo la doonayo in lagu kala qaybiyo dadka Pakistan, balse aanu waxba u dhimi doonin midnimada iyo wadajirka bulshada.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee lala beegsado masjid dadka Shiicada ahi leeyihiin laga soo bilaabo bishii December ee lasoo dhaafay, markaasoo militeriga Pakistan sameeyeen hawlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Taliban.

Bishan sii dhamaaneysa ee January tobankeedii ayey ahayd markii la qarxiyey masjid ku yaalla magaalada Rawalpindi. Weerarkaas waxaa ku geeriyoodey todoba qof in ka badan labaatan kalena way ku dhaawacmeen.

Mas'uuliyadda weeraradaas cidi ma sheegan, haseyeeshee dowlada Pakistan ayaa ku eedeysey kooxda Taliban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo Sheegtay Inay Nukliyeerkeeda Ku Difaacayso Sacuudiga 

Asif ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Israa’iil, isagoo sheegay in, “Isra’iil, in kastoo ay tahay quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:56AM

Maraykanka oo Veto Ku Hor Istaagay Qaraar Xabbad-joojinta Gaza lagu Dalbanayey

Waxaa la filayaa in dalal ay ka mid yihiin UK iyo Faransiiska ay halkaas ku aqoonsadaan dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

  • Caalamka

    20-09-2025

  • 05:40AM