Qarax khasaaro culus sababay oo ka dhacay Istanbul

Image
Fahfaahino horudhac ah waxay sheegayaan in uu ahaa ismiidaamin wallow aysan wali dowladdu kala caddeyn.

ANKARA, Turkey - Qarax noociisa aan wali la caddeyn oo ka dhacay aagga socodka lugta caanka ku ah Istiklal ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sababay dhimasho iyo dhaawaca.

Sawirro iyo muuqaalo laga faafiyey goobta ayaa muujinaya meydad dhulka daadsan. Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa. Telefishinka CNN Turk ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen.

"Waxaa jira tuhuno xooggan oo sheegaya in tani ay ahayd is qarxin, laakiin weli ma hayno war rasmi ah," ayay tiri Sinem Koseoglu oo ka tirsan Al Jazeera kuna sugan magaaladda Istanbul.

Koseoglu ayaa tibaaxay in qaraxan uu ku soo beegmayo waqti aad ay u jirto cabsi maadaama aysan dhawaanahan jirin digniino ku saabsan weeraro ka dhaca magaalada.

"Laakin tillaabooyin ammaan ayaa aagga ka socday," ayay tiri. Laamaha ammaanka Turkiga ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarkan oo u muuqda mid sii kordhinaya walwalka ammaanka.

Warbixintii ugu horeysay ee rasmi ah ee ku saabsan dhacdada, gudoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya wuxuu sheegay in qaraxa uu dhacay 16:20 wadada Istiklal.

"Booliska, caafimaadka, dab-damiska iyo AFAD [hay'adda maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha deg-degga ah] ayaa loo diray goobta, dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, wixii soo kordha waan lasoo wadaagi doonaa shacabka," ayuu yiri.

Waddada oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ayaa ayaa ku tilmaaman jidka dadku ku badan yihiin oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka degaanka. Waxaa ku yaalla dukaamo iyo maqaayado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM