Qarax khasaaro culus sababay oo ka dhacay Istanbul

Image
Fahfaahino horudhac ah waxay sheegayaan in uu ahaa ismiidaamin wallow aysan wali dowladdu kala caddeyn.

ANKARA, Turkey - Qarax noociisa aan wali la caddeyn oo ka dhacay aagga socodka lugta caanka ku ah Istiklal ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sababay dhimasho iyo dhaawaca.

Sawirro iyo muuqaalo laga faafiyey goobta ayaa muujinaya meydad dhulka daadsan. Ma cadda sababta ka dambeysay qaraxa. Telefishinka CNN Turk ayaa sheegay in 11 qof ay ku dhaawacmeen.

"Waxaa jira tuhuno xooggan oo sheegaya in tani ay ahayd is qarxin, laakiin weli ma hayno war rasmi ah," ayay tiri Sinem Koseoglu oo ka tirsan Al Jazeera kuna sugan magaaladda Istanbul.

Koseoglu ayaa tibaaxay in qaraxan uu ku soo beegmayo waqti aad ay u jirto cabsi maadaama aysan dhawaanahan jirin digniino ku saabsan weeraro ka dhaca magaalada.

"Laakin tillaabooyin ammaan ayaa aagga ka socday," ayay tiri. Laamaha ammaanka Turkiga ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarkan oo u muuqda mid sii kordhinaya walwalka ammaanka.

Warbixintii ugu horeysay ee rasmi ah ee ku saabsan dhacdada, gudoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya wuxuu sheegay in qaraxa uu dhacay 16:20 wadada Istiklal.

"Booliska, caafimaadka, dab-damiska iyo AFAD [hay'adda maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha deg-degga ah] ayaa loo diray goobta, dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, wixii soo kordha waan lasoo wadaagi doonaa shacabka," ayuu yiri.

Waddada oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ayaa ayaa ku tilmaaman jidka dadku ku badan yihiin oo caan ku ah dalxiisayaasha iyo dadka degaanka. Waxaa ku yaalla dukaamo iyo maqaayado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM