Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay waqooyi-bari China

Image

BEIJING, China - Mas'uuliyiinta Shiinaha ayaa shaqaalaha samatabixinta macdanta dahabka u diray waqooyi-bari ee dalka ka dib markii 22 shaqaale ah ay ku xanibmeen dhulka hoostiisa ka dib qarax halkaas ka dhacay, sidda ay Talaadada maanta ah ku warantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Qaraxa ayaa Axaddii wuxuu ka dhacay Xicheng Township, oo ku taal bariga gobolka Shandong.

Wargeyska dowladda ee Global Times oo soo xiganaya mas'uuliyiinta Shandong ayaa wariyey in howlwadeenada badbaadinta aysan ilaa hadda awoodin inay soo samatabixiyaan macdan-qodayaasha.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Xinhua, qaraxan ayaa waxyeello u geystay anteenooyinka isgaarsiinta ee mara dhulka hoostiisa.

Xinhua waxay intaas ku dartey goobta laga soo saarayey macdan ay leedahay shirkadda Shandong Wukailong Investment, oo kamid ag shirkadaha ugu balaaran Shiinaha, sidda ku xusan warbixinteeda sanadlaha ah ee 2019.

Howlaha macdan qadista Shiinaha ayaa ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan adduunka.

Bishii Diseembar, ugu yaraan 18 qof ayaa dhintey ka dib markii ay ku xannibnaayeen goob ku taal magaalada Chongqing ee koonfur-galbeed ee Shiinaha, wuxuuna ahaa shilkii labaad ee noocaas ah ee gobolka ka dhaca muddo ka yar laba bilood.

Dadka dhintay waxay ka mid ahaayeen 24 qof oo ku xannibmay dhulka hoostiisa, waxaana la sheegay in ay u geeriyoodeen kaarboon moono-oksaydh oo ku badnaa Diaoshuidong.

Bishii Sebtember, ugu yaraan 16 ayaa geeriyootay kadib markii kaarboon moono oksaydhku badan ay ku qaateen macdan ay qodayaan ku xanibmeen gudaha degmadda Chongqing ee Koonfur Galbeed ee waddanka Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM