Qaraxyo culus oo laga maqlay garoonka diyaarada Cadan

Image
Image
Image

SANCA, Yemen - Qaraxyo waaweyn iyo rasaas ayaa Arbacada maanta ah laga maqlay garoonka diyaaradaha Cadan wax yar kadib markii caga dhigatay diyaarad siday xukuumadda cusub ee Yemen kana timid Sacuudi Carabiya.

Xubnaha golaha wasiirada, oo uu ku jiro raiisul wasaare Maeen Abdulmalik, ayaa si nabad ah loogu galbiyey qasriga madaxtooyada ee magaalada, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal iyo warbaahinta Sacuudiga.

Illaa haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaas. Sidoo kale, ma jirto koox sheegatay. Dowladda ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin weerarkan.

"Khasaaraha tirada wali lama xaqiijin laakiin ilo wareedyo ayaa sheegay in qaraxyadu ahaayeen kuwo xoogan," ayuu yiri qof kamid ah goobjoogeyaasha oo u waramay Telefishinka Al Jazeera.

Tv-ka fadhigiisu yahay Ingiriiska ee Sky News qeybtiisa Carabiga oo soo xigtay illo wareedyo uusan magacaabin ayaa wariyey in diyaaradda drones ah la maqlayey kahor inta aysan qaraxyaddu dhicin.

Horaanta bishaan December ayay ahayd markii Isbaheysiga Sacuudiga hogaaminayo uu ku dhawaaqay heshiis awood-qeybsi oo ay ku jiraan kooxaha gooni-u-goosadka ee koonfurta kaasoo lagu yagleelayo xukuumad wadaag ah.

Inkasta oo heshiiskaas uusan nabad horseedi karin maadaama Xuutiyiinta ay dhinac gooni u taagan yihiin, haddana wuxuu mideeyay awooda dowladda fadhigeedu yahay Cadan iyo gooni u goosatada koonfurta ku dhaqan.

Kooxaha gooni u goosadka ah oo madax-banaani ku dhawaaqay horaantii sanadkan 2020 ayaa kasoo horjeeda isla markaana dagaal ba'an kula jira Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto oo caasimadda Sanca maamulaya tan iyo 2014-kii. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM