Qaraxyo mataano ah oo dad badan ku dilay Baqdaad

Image

BAQDAAD, Ciraaq – Qaraxyo ismiidaamin oo mataano ah kana dhacay wado mashquul badan kuna taala caasimada Ciraaq ee Baqdaad ayaa sababay dhimashada 13 qof, sidda uu ku dhawaaqay taliska milatariga waddankaas.

Jeneraal Hazem al-Azzawi, agaasimaha taliska howlgalada Baqdaad, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA in qaraxyada labada ah ay ka dhaceen suuqa ku yaala Bab al-Sharji, oo ah aag ku dhow fagaaraha Bab al-Sharji.

Taliska howlgalada wadajirka ah ee Ciraaq ayaa tilmaamay in 19 ruux kale ay ku dhaawacmeen falkaas, isaga oo xusay in khasaaraha uu sii kordhi karo.

Illo caafimaad ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in dhimashada ay ka cabsi qabaa in laba jibaar ay ka badan tahay wadarta lasoo bandhigay. Waaxda Caafimaadka waxay tibaaxdey in gargaar gurmad ah la gaarsiiyo bukaanada.

Afhayeenka taliska milatariga, Yahya Rasool, ayaa tibaaxay in labada is-miidaamiyeyaal ee ka dambeysay falkaas ay ku raadjoogeen ciidamadda.

Wariye ka tirsan AFP oo goobta tegay ayaa daaha ka rogay in labada ismiidaamiye ay beegsadeen albaabka weyn oo suuqa oo lagu iibiyo dharka Huudheyda.

Kadib sanado badan oo rabshado diimeed oo geeri badan sababay kadib duulaankii Mareykanka ee 2003, qaraxyada ismiidaaminta ah ayaa si aad ah ugu yaraa magaala madaxda. Weerarkii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah wuxuu dhacay bishii Juun 2019 waxaana ku dhintay dhowr qof.

Maleeshiyaad ayaa si joogta ah ciidamadda Mareykanka ula beegsanayey gantaallo iyo hoobiyeyaal, gaar ahaan safaaradda Mareykanka ee aagga aadka loo ilaaliyo ee Cagaaran. Xawaaraha weeraradu wuu yaraaday tan iyo markii xabad joojin aan rasmi ahayn ay ku dhawaaqeen kooxaha hubaysan ee ay taageerto Iran bishii October.

Ma jirto koox si dhaqso leh u sheegatay weerarka, laakiin weerarada ismiidaaminta ah waxaa inta badan adeegsada ISIL.

Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ISIL laga adkaaday dhamaadkii 2017 kadib olole xoogan oo socday in ka badan seddex sano oo xiriir ah.

Balse, kooxda waxay sii wadaa inay howlgaladda caadiga ah si gaar ah beegsiga ciidamada ammaanka ama kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka. Tani waxay curyaamisay dedaalada dalkan doonayo in uu kaga soo kabto burburka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM