Qareen xabsi daa'in loogu xukumay in uu dilay xaaskiisa iyo wiilkiisa

Image
Alex Murdaugh ayaa waxa uu kasoo jeedaa qoys caan ku ah garsoorka iyo u qareemida dhibaneyaasha.

WASHINGTON, USA - Alex Murdaugh, oo ah qareen caan ah, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii uu dilay xaaskiisa iyo wiil uu dhalay. Kiiskan wuxuu soo jiidatay indhaha caalamka.

Garsoore Clifton Newman ayaa Jimcihii xukumay Murdaugh, oo ka soo jeeda qoys sare oo garsooreyaal iyo qareeno ah oo caan ka ah gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka.

Falka dilka ah ee loo maxkamadeeyay ayaa waxa uu dhacay June 7, 2021. Wiilkiisa ayaa lagu magacaabayay Paul halka xaaskiisa loo garan oggaa magaca gaaban ee Maggie.

54-jirka ayaa ku doodey in uusan geysan wax dambi ah lahayn. Balse, xaakimku waxa uu u sheegay qareenka ceebaysan "uu si bareer ah u toogtey Paul iyo Maggie xilli uu joogay goob ugaarsi ah".

Paul oo 22 jir ahaa ayaa lagu dilay qoriga toogashada ah halka Maggie oo 52 jir ahayd ay u dhimatay xabad laga riday qoriga darandooriga u dhaca ee qoysku u adeegsan jiray ugaarsiga doofaarka duurjoogta ah hantidooda.

Murdaugh oo wax dareen ah aan muujin intii uu xukunka dhacayay, ayaa si kooban uga hadlay maxkamadda isaga oo gacmaha iyo lugaha kaga jeebeysan katiinadda maxaabiista.

"Ma ihi wax dambi ah. Waligay ma dhaawici doono xaaskayga Maggie," ayaa kamid ah hadaladiisa. Maxkamadeyntan waxay qabsatay warbaahinta caalamka iyo waliba kuwa maxaliga ah ee Ameerika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM