Qasa: Ilmo uu dhalay hogaamiyaha XMS oo duqeyn lagu laayay

Image
Israa’iil ayaa duqeyn ku beegsatay Caruurta hogaamiyaha ugu sareeya ee XMS

Qasa (GO) - Wakaaladda wararka ee Shehab, ayaa sheegtay in 3 ka mid ah wiilasha uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ka geysatay marinka Qasa.

Israa'iil ayaa inta badan ciidamadeeda dhulka kala baxday koonfurta Qasa todobaadkan ka dib dagaallo bilo socday, balse wali waxay sheegtay inay qorsheynayso inay weerar ku qaado magaalada Rafah oo ku taal koonfurta marinka, halkaas oo in ka badan kala bar dadka Qasa ay hadda ku sugan yihiin.

Dagaalkan ayaa billowday markii Xamaas ay weerar ku qaadday koonfurta Israa’iil oo ay ku dishay 1,200 oo qof, 253-qofna ay qafaasheen, kuwaas oo ilaa 130 ka mid ah weli lagu haysto Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM