Qaxooti ka yimi Hungary oo ku wajahan Austria

Image

05 September, 2015(GO)-War ka soo baxay dalka Austria ayaa lagu sheegay in dalkaasi ku wajahanyihiin ku dhawaad 10,000 qof qaxooti ka yimi dalka Hungary oo muddo go'doon ku ahaayeen.

Sargaal sare oo Boliska ah ayaa sheegaya in dadka magan galyo doonka ah ee dalkaasi maanta soo gaarey ay u fidiyeen gar-gaar bini aadanimo iyagoo kaga hortagay goobaha xuduuda ah ee Hungary ku daadisay.

Austria ayaa sheegaysa inay Jarmalka ka wada hadleen sidii dadka loo caawin lahaa, waxaana jira muran xooggan oo ka dhexjira wadama Yurub kaasi ooo ku aadan qaxootigan tira badan ee soo galay wadamadaasi.

Dhinaca kale dowladda Hungary ayaa sheegtay inaysan jiri doonin basas iyo tareeno kale, waxayna caddeysay inay basaska keentay kadib markii dadka ay u lugeeyeen xuduudda Austria, hadana ay xaalada dib u eegayso

Jarmalka ayaa dhinaciisa waxa uu sheegay in dalkiisa ku soo wajahanyihiin qaxooti hor leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM