Qiimaha shidaalka Mareykanka oo la kulmay hoos u dhacii ugu xumaa

Image

WASHINGTON, US – Qiimaha la iibiyo saliida cayriinka ah gudaha Mareykanka ayaa markii ugu horeysay taariikhda hoos u dhacii ugu xumaa la kulmay. Tani waxaa lala xiriiriyey fayruska Corona.

Tan iyo markii la aas-aasey suuqa saamiyadda saliidda ee NYMEX isla markaana uu ganacsiga bilaabay ee 1983-kii, qiimaha shidaalka ayaa markii koowaad ka hoos-marey eber Doolar halkii fuusto.

Subaxnimadii Isniinta, qiimaha halkii barmiil ayaa ku furmay aduun dhan 20.3 Doolar-ka Mareykanka ah, wuxuuse noqdey -40.23. Halkaas kuma ekaan, wuxuu ka hoos-maray eber Doolar.

Dharbaaxadan ayaa ka dhigan in shirkadaha soo saara shidaalka ee maxaliga ah ay iyagu lacag ku bixinayaan in shidaalka suuq u helo maadaama aysan haysan goobo kale oo ay ku kaydiyaan.

Falanqeeyeyaasha ayaa ka digay in hoos-u-dhac shidaalka ku yimid ay sii jiri karto bilooyinka kale ee soo aadan. Si lamid ah, waxay ka digeen suurtagalnimada in ay dhibaatadan xirto shirkadaha.

Cudurka safmareenka ah ee Covid-19 ayaa loo aaneeyay hoos-u-dhacaan maadaama ay dunida oo dhan kala xirantay. Intaas waxaa wehlisa, loolan ka dhex-qarxay Sacuudiga iyo Ruushka.

Labadan dal ayaa suuqa soo geliyey shidaal badan taas oo hoos u dhigtay qiimaha isla markaana dhaawacday shirkadaha Mareykanka. Wadahadalo ay yeesheen 12-kii April, 2020 ayaa fashilmay.

Sikastaba, arrintaan soo korortay waxaa la aaminsan yahay in ay cadaadiska kusii kordhineyso Donald Trump kaasoo maamulkiisa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyey xakameynta cudurkaas faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha cusub ee Iran oo weli "qarsoon" iyo shaki ku saabsan noloshiisa

Maqnaanshahan ayaa si weyn uga duwan hab-dhaqankii aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 09:29AM

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM