Ciidamada AMISOM joojinaya ka ganacsiga dhuxusha ee Al-Shabaab

Image

KENYA [ Garowe Online+ Wakalaadaha ]- Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia waxay isu diyaarinayaan in weeraro ku qaadaan dakadaha xarakada Al-Shabaab ka arrimiso si looga joojiya ka ganacsiga Dhuxusha oo ay ku maalgaliyaan weerada lagu qaado ciidamada shisheeye ee ku sugan Somalia, sidaas waxaa sheegey wakiilka QM Nicholas Key.

Ururka Xarakada al-Shabaab oo xiriirka dhow la leh Al-Qacida weli waa xoogan yahay inkastoo magaalooyin farabadan gacantooda ka baxeen kadib markii 22000 ee ciidamada AMISOM weeraro ku qaadeen goobo badan oo ay gacanta ku hayeen. Dekada ku taal magaalada Baraawe ayaa ah hadda saldhiga dakadeed ee ugu weyn waqtigaan. Sidaas waxaa yiri maalintii Jimcaha 22 August,2014 madaxa QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Key.

Nicholad Key ayaa sheegey in kooxdaan xag-jirka ah ka ganacsiga Dhuxusha ka sameeyaan sanadkii 25 million oo dollar ( 19 million euros), ganacsigaas oo loo dhoofiyo wadamada Khaliijka.

Warar xogogaal ah oo laga heley saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in weeraradaan bilaaban doonaan bisha soo socota horaanteeda.

Key oo booqanaya wadanka Kenya ayaa dhinaca kale sheegey in kooxda Shabaab yihiin kuwa xoogan oo aan ka hakan hadafka ay leeyihiin. Isaga oo ka digey iney ku yihiin khatar amaanka gobolka oo dhan.

Ciidamada AMISOM ayaa magaalooyinka horey uga qabsadeen Al-Shabaab dadkii ku noolaa gaajo uga carareeen kadib markii kooxdaas go'doomiyeen dhamaan wadooyinkii soo galayey taasoo sababtey in raashinka gargaarka iyo kan ganacsigaba soo gaari waayo deegamadaas.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM