​QM "Wada hadallada Suuriya ha la bad-baadiyo"

Image

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan De Mistura, ayaa waxa uu ugu baaqay Mareykanka iyo Ruushka in ay bilaabaan hannaan degdeg ah oo heersare ah si loo badbaadiyo wadahadallada nabadda ee Suuriya.

De Mistura oo hadlayay kaddib mar uu xogsiiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxa uu sheegay in xabbad joojinta Suuriya ay afka un ka jirto oo ay suuragal tahay in ay burburto xillikasta.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in colaadda la yareeyo, waxa uuna rajaynayaa in wadahadallada Geneva dib loo bilaabi doono bisha May.

Kaddib markii dhowr jeer lagu xadgudbay xabbad joojinta, ayaa mucaaradka Suuriya waxa ay todobaadkii la soo dhaafay isaga baxeen wadahallada, iyagoo sheegay in aanay ku soo laaban doonin ilaa gargaar dheeraad ah looga diray magaalooyinka la go’doomiyay.

Mr De Mistura ayaa sheegay in rabshadaha ka taagan gudaha waddanka Suuriya ay socdeen xilli inta badan wadahadallada ay dhacayeen.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM