Qorshaha Trump in Falastiiniyiinta Gaza loo raro Masar iyo Urdun oo la diiday

Image

CAIRO — Dowladaha ugu awoodda badan dalalka Carabta ayaa Sabtidi shalay gaashaanka u daruuray soo jeedinti madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ee aheyd in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalalka Masar iyo Urdun.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Masar, Urdun, Sacuud Carabiya, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, Maamulka Falastiiniyiinta iyo Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay, in Carabtu diideen qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga rarayo dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed.

Trump ayaa bishi hore sheegay in uu ku boorrinayo hogaamiyaasha Masar iyo Urdun qaadashada shacabka reer Gaza, si buu yiri loo nadiifiyo burburka baaxadda leh ee soo gaaray Gaza.

Wuxuu kaloo sheegay in qorshaha raritaanka dadka Gaza uu noqon karo mid ku meel gaar ah ama mid waqti dheer. Hadalka madaxweyne Trump ayaa waafaqaya soo jeedinti hogaamiyaasha Isra’il ee billowga dagaalka Gaza, kuwaas oo ku baaqay in shacabka Gaza loo raro meel kale.

Dowladaha Carabta ayaa ku sheegay qorshayaasha nuucaasi oo kale ah in ay khatar gelinayaan xasilloonida mandiqadda, sii hurinta colaadaha iyo wiiqidda nabadda iyo wada noolaasha dadka gobolka.

Bayaankan ayaa kasoo baxay shir ay magaalada Qahira ku yeesheen diblamaasiyiin sare oo ka kala socday Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Qatar, Maamulka Falastiiniyiinta iyo guddoomiyaha Jaamacadda Carabya.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM