Ra'iisul Wasaaraha Canada oo xilka iska-casiley kadib cadaadis la saarey

Image

HAMILTON - Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka hogaamiyaha xisbiga Liberal-ka.

"Waxaa iska casilayaa xilka hogaamiyaha xisbiga iyo ra'iisul wasaaraha, si xisbigu usoo xusho hogaamiyahooda xiga si adag, dalka oo dhan ah, hannaan tartan," ayuu yiri Trudeau mar uu shir jaraa'id ku qabtay Rideau Cottage ee Ottawa.

Isaga oo sheegay in uu "si qoto dheer" u daneynayo Canada iyo muwaadiniinteeda, Trudeau wuxuu yiri: "Mar walba waxaa igu dhiirigelin doona inuu u shaqeeyo waxa danta Canada ku jirto."

Kahor iscasilaadiisa, Trudeau wuxuu sheegay inuu la kulmay barasaabka Canada General Mary Simon oo uu ka codsaday inuusan baarlamaanka shaqeynin ilaa 24-ka Maarso.

Iscasilaada Trudeau ayaa timid iyada oo ay sii kordhayso loolanka ka dhex jirta xisbigiisa, taas oo kor u qaadaysa walaaca laga qabo in uu ku guulaysan karo doorashada soo socota ee uu kaga soo horjeedo mucaaridka.

Trudeau ayaa lagu eedeeyay inuu ka aamuso xasuuqa Israel ee Gaza iyo inuu wajihi waayay Trump markii uu ku dhawaaqay inuu canshuuro kusoo rogayo badeecooyinka xadka Canada looga soo geliyay Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM