Ra’iisul Wasaaraha Haiti oo ka badbaaday isku day dil

Image

Ra’isul Wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa ka badbaaday isku day dil, xili uu ka qeyb-galayay munaasabadda xuska xorriyadda dalkaas oo Sabtidi ka dhacday waqooyiga dalkaasi, sida uu shaaciyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kooxo isugu jira "burcad iyo argagixiso" ayaa isku dayay in ay ku toogtaan ra'iisul wasaaraha kaniisad ku taal waqooyiga magaalada Gonaives, halkaas oo ay ka dhacaysay xaflada lagu xusayay sanadguuradii 218-aad ee xornimada.

Booliiska, oo weerarkii Sabtidii ku tilmaamay shaqada “kooxaha hubaysan,” ayaan ilaa iyo hadda xaqiijinin khasaaraha ka dhashay weerarka balse waxaa xusid mudan, dhacdada ka hor, madaxa burcadda deegaanka ayaa hanjabaado ka dhan ah Henry u jeediyay warbaahinta gudaha.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amar lagu soo xirayo la soo saaray eedeysanayaasha rasaaseeyay kolonyada RW Henry.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM