Ra’iisul Wasaaraha Kanada iyo afadiisii oo muyaaradaha kala dalacdey

Image
Trudeau iyo Sophie ayaa is-guursadey sanadkii 2005 waxayna isku dhaleen saddex carruur ah.

TORONTO, Canada -  Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, iyo xaaskiisa Sophie ayaa kala tagaya kadib markii ay nolol wadaag ahaayeen muddo 18-sano xiriir ah.

Lamaanaha ayaa qoraal ay soo dhigeen Instagram ku sheegay in talaabadan ay salka ku hayso “is-maandhaaf soo kala dhex-galay” wallow aan la sharaxin.

Trudeau iyo Sophie ayaa is-guursadey sanadkii 2005 waxayna isku dhaleen saddex carruur ah.

Caruurtooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xavier oo 15-sano jir ah, Ella-Grace oo 14-jir ah, iyo waliba Hadrien oo sagaal sano jir ah.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in ay ka dalbanayaan dadweynaha in xogta ilmahooda la ilaaliyo.

Trudeau iyo Sophie ayaa waxa uu haasaawaha bilaabay sanadkii 2003-kii xilligaas oo haweeneyda ay ahayd shaqaale ka tirsan TV maxali ah.

Sidoo kale, haweeneyda ayaa waxa ay ahayd samafale ka shaqeysa arrimaha caafimaadka dhimirka iyo daadejinta cuntada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM