Ra'iisul Wasaare Ku Xigeen isku-casilay cagajugleyn uu ku kacay

Image
Dominic Raab ayaa sidoo kale waxa uu laga bilaabo 2021 ilaa 2022 ahaa wasiirka cadaaladda.

LONDON, Britain - Ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo xoghayaha cadaalada ee Britain, Dominic Raab, ayaa is casilay, kadib baaritaan madax banaan oo socday muddo bilo ah oo ku saabsan cabashooyinka ku saabsan hab-dhaqankiisa oo ka yimid dhowr shaqaale rayid ah.

Warqad uu u diray Ra'iisul Wasaare Rishi Sunak oo uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah Twitter-ka ayuu Raab ku caddeeyay in baaritaanka uu horseeday tallaabo khatar ah, balse wuxuu balanqaadey in uu sii wadayo taageerada uu u hayo xukuumadda talada haysa.

Raab ayaa waxaa lala xiriiriyey labada dhacdo. Falka koowaad ayaa ah in uu u cagajugleeyay xubin ka tirsan xafiiska arrimaha dibedda kaasoo ka shaqeynayay ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub ee loo garan og-yahay Brexit.

Dhacdada labaad ayaa lagu waramay in ay tahay in uu jawaab celin xanaf leh bixiyey mudadii uu madaxda ka ahaa Wasaaradda Cadaaladda ee boqortooyadda Ingiriiska laga bilaabo 2021 ilaa 2022.

Raab waa wasiirkii saddexaad oo isku-casila sababo ku aadan hab-dhaqankooda shaqsiyeed tan iyo markii Sunak uu la wareegay xafiiska wasiirka koowaad ee Downing Street bishii Oktoobar xilli uu ballanqaaday dowlad daacad ah.

Gavin Williamson, ayaa lagu qasbay inuu is casilo bishii November ka dib markii lagu eedeeyay cagajugleyn, waxaana ra'iisul wasaaruhu uu shaqada ka ceyriyay guddoomiyihii xisbiga Conservative Party, Nadhim Zahawi, bishii Janaayo ka dib markii lagu helay inuu jabiyay xeerka wasiirka sababo la xiriira furfurnaantiisa arrimaha canshuuraha.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Sunak ayaa qudhiisa wuxuu wajahayaa baaritaan isaga u gaar ah oo ay ku sameynayaan ilaalada halbeegga baarlamaanka ee ku aaddan dhaqankiisa oo ku saabsan inuu si sax ah u caddeeyay saamiga xaaskiisa ee shirkadda daryeelka carruurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM