Ra'iisul Wasaare loo ganaaxay jabinta xayiraadaha Covid-19

Image

OSLO, Norway - Ra'iisul wasaaraha wadanka Norway, Erna Solberg, ayaa lagu ganaaxay 20,000 kroner (£1,713) kadib markii ay jabisay sharciyada kala fogaynta bulshada ee Coronavirus.

Talaabada ganaaxa ah ayaa la sheegay in ay ka dambeysay ka gedaal markii ay qabanqaabineysay kulan qoys oo loogu dabaal dagayay dhalashadeeda.

Arrinta ayaa ku soo shaac baxday warbixin ay baahisay warbaahinta dadweynaha ee NRK taasoo dhabaha u xaartay baaritaan uu u dhaqaaqay booliska.

Haweenaydan labada jeer noqotay ra'iisul wasaare ayaa raalli-gelin ka bixiyay dhowr jeer abaabulka munaasabadda sanad-guuradeeda 60-aad iyada iyo 13 ehelkeeda ah oo ku sugan buurta loo dalxiis tago dabayaaqadii bishii Febraayo, in kasta oo ay dowladda mamnuucday isu imaatinnada in ka badan 10 qof.

Solberg oo da'deeda lagu waramay in ay tahay 60-sano jir ayaa shaaca ka dhigtay Jimcihii inay bixin doonto lacagta ganaaxa, oo ay soo saareen booliska.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan markale yiraahdo waan ka xumahay jabinta sharciyada coronavirus," ayay u sheegtay TV2 News-ka Norway. "Waan aqbali doonaa ganaaxa, waana bixin doonaa".

Solberg, oo wajaheysa doorashooyinka baarlamaanka bisha Sebtember, ayaa u ololeysay sharciyo adag oo lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19, taas oo Norway ka yareysay khasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM