Ra'iisul wasaare xukun xabsi ah lagu riday oo la cafiyey

Image
Xukunka waxaa barbar socday in uu bixiyo aduun lacageed dhan $879,000 oo magdhow ah.

KIGALI, Rwanda - Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa cafis u fidiyay ra’iisul wasaarihii hore, Pierre Damien Habumuremyi, oo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kadib markii uu "bixiyay jeegag been abuur ah".

Habumuremyi ayaa sanadkii hore lagu qabtey in jeegaga been abuur ah uu ugu deeqay Jaamacadda Christian-ka ee Rwanda kuna taala magaala madaxda Kigali taasoo tan iyo markaas albaabadda loo xiray.

Intii ay dacwaddu socotay,Habumuremyi ayaa xusay inuu jeegagga u siiyey in jaamacadda in ay ku maareyso ardayda cusub ee ay qaadatay kuwaasoo qeybtood ay ahaayeen kuwa sabool ah.

Xukunka waxaa barbar socday in lagu xukumo inuu bixiyo 892m oo lacagta Rwanda ah taasoo u dhiganta aduun lacageed dhan $879,000; £ 641,000) oo magdhow ah.

Wali waa inuu ogaadaa in lacagtaas iyo akoontiyadiisu ay ahaan doonaan kuwo maran oo hanti loo haysto ilaa uu lacagtaas bixiyo, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladdu.

Wiilkii ra’iisul wasaarihii hore Appollo Mucyo, oo u ololeeyay sii deyntiisa, ayaa bartiisa Instagram ku soo qoray: “Qalbigeygu waa buuxa. Waxaan la qabsaday farxad! Xitaa ma heli karo ereyada saxda ah".

"Waxaan u mahadnaqayaa Ilaahay oo kaliya, jacaylka aan dalkayga u qabo," ayuu hoosta ka xariiqay. Habumuremyi, oo 60 jir ah, wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii sagaalaad ee dalka, isagoo xilka hayay muddo ku suntan 20 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM