Ra'iisul wasaare xukun xabsi ah lagu riday oo la cafiyey

Image
Xukunka waxaa barbar socday in uu bixiyo aduun lacageed dhan $879,000 oo magdhow ah.

KIGALI, Rwanda - Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa cafis u fidiyay ra’iisul wasaarihii hore, Pierre Damien Habumuremyi, oo lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah kadib markii uu "bixiyay jeegag been abuur ah".

Habumuremyi ayaa sanadkii hore lagu qabtey in jeegaga been abuur ah uu ugu deeqay Jaamacadda Christian-ka ee Rwanda kuna taala magaala madaxda Kigali taasoo tan iyo markaas albaabadda loo xiray.

Intii ay dacwaddu socotay,Habumuremyi ayaa xusay inuu jeegagga u siiyey in jaamacadda in ay ku maareyso ardayda cusub ee ay qaadatay kuwaasoo qeybtood ay ahaayeen kuwa sabool ah.

Xukunka waxaa barbar socday in lagu xukumo inuu bixiyo 892m oo lacagta Rwanda ah taasoo u dhiganta aduun lacageed dhan $879,000; £ 641,000) oo magdhow ah.

Wali waa inuu ogaadaa in lacagtaas iyo akoontiyadiisu ay ahaan doonaan kuwo maran oo hanti loo haysto ilaa uu lacagtaas bixiyo, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladdu.

Wiilkii ra’iisul wasaarihii hore Appollo Mucyo, oo u ololeeyay sii deyntiisa, ayaa bartiisa Instagram ku soo qoray: “Qalbigeygu waa buuxa. Waxaan la qabsaday farxad! Xitaa ma heli karo ereyada saxda ah".

"Waxaan u mahadnaqayaa Ilaahay oo kaliya, jacaylka aan dalkayga u qabo," ayuu hoosta ka xariiqay. Habumuremyi, oo 60 jir ah, wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii sagaalaad ee dalka, isagoo xilka hayay muddo ku suntan 20 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM