Ra'isal wasaarihii hore Israa'iil oo la xirayo

Image

29 December, 2015(GO)-Rai’sal wasaarihii hore ee dalka Israa'iil Ehud Olmert, ayaa lagu xukumay 18 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay arrimo la xiriira laaluusha qaadasho.

Xabsigan oo markii hore maxkamadda hoose ee Yuhuudda ayaa Olmert lix sano ku xukuntay 2014-kii, laakiin maxkamadda sare ayaa ciqaabtaasi yaraysay.

Ehud oo Todobaatan jir ah ayaa lagu helay dambi uu galay waqtigii uu ahaa duq magalada Qudus,

wuxuuna lunsaday lacago dhismayaal magaladaasi laga samayn lahaa, kahor inta uusan noqonin Rai’sal wasaare 2006-dii, isagoo jagadaasi iska casilay 2009-kii.

Wuxuu noqondoonaa nin kii ugu horeeyay ee xabsi gala isaga oo soo hogaamiyay xukuumadda Israil, waxaana ciqaabtu u bilaaban doonaa 15 bisha labaad ee sanadka 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM