Rag rabay in ay ridaan dowlada Mareykanka oo la xukumay

Image
Shaqsiyaadkan ayaa xubin ka ah koox xusul-duub ugu jirta in aduunka galo "dagaal jinsiyadeed".

WASHINGTON, USA - Labo nin oo aaminsan fekrada Naaziyiinta kuwaasoo la duubay iyagoo qorsheynaya weerar gacan ka hadal ah oo lagu ridayo dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah.

Brian Mark Lemley, oo 35 jir ah, iyo Patrik Jordan Mathews, oo 29 jir ah, waxay xubno ka ahaayeen garabka The Base, oo ah koox loo aqoonsadey argagixiso oo ay ku weyn tahay cadaanimadda.

Bishii June ayaa lagu waramay in ay qirteen dambiga. Saraakiisha maxaliga ah waxay xuseen in ay u badan tahay in ay xabsiga ku dhameysan doonan ayaga oo aad loo ilaalinayo.

Inkastoo labada qof aan lagu helin wax dambi ah oo rabshado wata, garsooraha ayaa go'aamiyay in xukunka ay u mudan yihiin sababo la xiriira kordhinta argagixisada.

Kaamirooyinka CCTV ee lagu rakibay gurigooda oo ku yaala Delaware ayaa muujiyey raggan oo ka wada hadlaya sidii isu soo bax ka dhacay magaalada Richmond ee gobolka Virginia sanadkii hore loogu adeegsan lahaa abaabulka burburka dowladda Mareykanka.

"Sidoo kale, burburinta khadadka tareenada iyo sumaynta biyaha ayay ku fekereen," ayuu yiri mid kamid ah baareyaasha kiiskan oo magaciisa uga gaabsadey galka oo xasaasi ah.

Intaas, waxaa wehlisa in ay qorsheynayeen inay soo daayaan gacan ku dhiigle cunsuri ah oo mas'uul ka ahaa toogashadii kaniisad 2015 ka dhacday xabsiga Indiana, sida ay sheegeen baarayaashu.

Kooxda The Base, oo la sameeyay 2018, ayaa dooneysa in ay unugyo argagixiso ka hirgeliso Mareykanka iyo wadamada kale si ay isugu dayaan in ay dib u soo dhisaan dowlad cadaan ah iyada oo loo marayo "dagaal jinsiyadeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM