Rasaas haleeshay diyaarad uu la socday madaxwayne

Image
Image
Image

BOGOTA, Kolombiya - Rasaas ayaa haleeshay diyaarad helikobtar ah oo uu la socday madaxweynaha Kolombiya xili uu socdaal ku marayey meel u dhow xadka ay la wadaagaan waddanka ay deriska yihiin ee Venezuela, sida saxaafadu warisay.

Madaxweyne Iván Duque wuxuu u duulayay Cúcuta oo ka tirsan gobolka Norte de Santander, waxaa wehliya wasiirka gaashaandhiga, wasiirka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gobolka.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay dhacdadan. Mr Duque oo cambaareeyay "weerarka fuleynimada ah" wuxuu sheegay inuusan ka baqaynin "rabshado ama falal argagixiso".

"Gobolkeennu waa xoog badan yahay, Kolombiya-na way ku adag tahay inay ka hortagto khataraha noocan oo kale ah," ayuu ku yiri farin muuqaal ah oo uu soo dhigay Twitter-ka. Hay'adaha amniga ayuu amar ku siiyay inay soo qabtaan kuwa mas'uulka ka ah.

Wargayska maxaliga ah ee Semana ayaa ku waramay "in dadkii saarnaa ay maqleen dhawaq aad moodo in wax mashiinku ku dhacay iyadda oo diyaaradda helikobtarka ay soo caga dhiganaysay".

Falaagadda ELN oo ay qeyb ka yihiin ciidamo ka goostey dowladda Colombia ayaa waxay ka howlgalaan gobolka Catatumbo, oo ku fidsan xuduuda Colombia iyo Venezuela.

Waxaa la aasaasey sanadkii 1964 si loola dagaallamo sinaan la'aanta dhulka iyo qeybsiga hantida. ELN waa kooxda ugu weyn ee ka jirta dalkaas, waxaana urur argagixiso u aqoonsan Colombia, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Horaantii bishaan, ELN waxay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerar baabuur loo adeegsaday oo lagu qaaday xero militari oo ku taal Cúcuta. Weerarka waxaa ku dhaawacmay 36 qof, oo ay ku jiraan laba la taliyeyaal militari oo Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM

PKK oo shaacisay inay hubka dhigayso si usoo afjarto dagaalka dowladda Turkiga

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Firat News Agency — oo ah ilo warbaahineed si weyn ugu dhow PKK.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:16AM