Rayid ku dhamaadey gantaal lagu weeraray xero barakacyaal

Image
Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in dadka waxyeeladda soo gaartey ay ku jiraan caruur.

DIMISHIQ, Suuriya - Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamada dowladda Suuriya ay beegsadeen teendhooyin ay degan yihiin qoysas barakacayaal ah oo ku yaalla gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed ee fallaagada ay maamulaan.

Ciidamada dawladda ayaa waxay ku rideen ilaa 30 gantaal xerada Maram Axaddii, halkaas oo ay ku dileen lix iyo 25 dhaawac, sidda ay sheegtay hay'adda kormeerta dagaalka ee Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay UK.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa afar duullaan ku qaaday galbeedka Idlib, sida ay sheegtay SOHR, taasoo diiwaangelinaysa rabshadaha Suuriya tan iyo markii uu kacdoonku billowday 2011-kii.

"Iyaga oo ka jawaabaya weerarkaas, dagaalyahannada fallaagada waxay madaafiic iyo gantaallo la beegsadeen fariisimaha dawladda ee aagga Saraqeb, ee bariga Idlib, iyo bannaanka al-Ghab," ayay raacisay.

Weerarada ayaa ah jebintii ugu dambeysay ee xabbad joojintii bishii Maarso 2020 ee u dhaxeysay Ruushka iyo Turkiga oo soo afjartay duullaankii dowladda Ruushka ay taageerto ee gobolka Idlib - oo ah goobtii ugu dambeysay ee ay fallaagada gacanta ku hayso ee Suuriya.

Xabbad joojinta ayaa si isdaba joog ah loo jebiyay labadii sano ee la soo dhaafay. Bishii Luulyo, toddobo qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan afar carruur ah oo ka soo jeeda hal qoys, ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Ruushku ka geystay Idlib.

Dagaalka Suuriya ayaa billowday 2011 ka dib markii dowladdu ay si xun uga jawaabtay dhaqdhaqaaqa mudaaharaadyada ee dalkaas. Boqolaal kun oo qof ayaa la dilay halka kala bar dadkii dalka ee dagaalka ka hor oo ahaa 23 milyan ay barakaceen, sidda ay sheegtay Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM