Recep Erdogan oo si adag ugu hanjabay warbaahinta xorta ah

Image
Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay sidoo kale u dhaqaaqay inuu kordhiyo kormeerka warbaahinta

ANKARA, Turkey - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu hanjabay warbaahinta Turkiga inay aargoosi la kulmi doonaan haddii ay faafiyaan waxyaabaha dhaawacaya qiyamka asaasiga ah ee dalka.

Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay tillaabooyin lagu ilaalinayo "dhaqanka qaranka" ee Turkiga iyo ka hortagga horumarka "in caruurteena ay si xun u saameyso natiijada ka soo baxda waxyaabaha waxyeellada leh ee dhammaan qoraallada, afka iyo warbaahinta muuqaalka ah".

Hogaamiyaha Turkiga ma uusan carabaabin waxa ay xambaarsan yihiin, balse waxa uu sheegay in tilaabo sharci ah laga qaadi doono "dhaqdhaqaaqyada qarsoon ama warbaahinta ee looga golleeyahay in lagu wiiqo qiyamkeena qaran iyo akhlaaqeed iyo in lagu carqaladeeyo qoyskeena iyo qaab dhismeedka bulshadda".

Erdogan ayaa xukunka haya ku dhawaad ​​20 sano, waxaana uu inta badan lagu dhaleeceeyay wararka warbaahinta ee ka baxsan qiyamka uu aaminsan yahay xisbigiisa AK.

Raadiyaha RTUK iyo TV-ga ilaalisa waxay si weyn u kormeeraan dhammaan waxyaabaha ku jira khadka, kaas oo sidoo kale awood u leh inuu meesha ka saaro warbixinada liddiga ku ah dowladda.

Xarumo warbaahin ayaa loo gannaaxay muuqaalo ay ku sheegtay in ay ku xad-gudbinayaan qiyamka Turkiga sidda qoraal ay u aragto in lagu aflagaadeeyay madaxweynaha.

Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay sidoo kale u dhaqaaqay inuu kordhiyo kormeerka warbaahinta, iyadoo ku dhawaad ​​90 boqolkiiba warbaahinta waaweyn ay hadda leedahay dowladda ama ay xiriir la leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM