Reer Galbeedka oo ka caroodey siyaasi lagu maxkamadeeyay Ruushka

Image
Vladimir Kara-Murza ayaa ku biiray liiska dhibaneyaasha sharci kasoo rogay kadib duulaanka Ukraine.

MOSCOW, Russia - Maxkamad ku taal Ruushka ayaa 25 sano oo xarig ah ku xukuntay Vladimir Kara-Murza kaasoo aad u dhaleeceeyay dagaalka xukuumadda Mosocw ay ku qaadey dalka ay dariska yihiin ee Ukraine.

Kara-Murza ayaa xabsi loo taxaabay kadib markii lagu helay dambi ah inuu galay khiyaano qaran iyo inuu aflagaadeeyay ciidamada, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Jarmalka, iyo dowladda Ingiriiska ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday Kara-Murza, oo haysta dhalashadda Ruushka iyo Boqortooyada Ingiriiska.

"Qofna waa in aan xorriyadda looga qaadin gudashada xuquuqdooda bini'aadminimo, waxaana ugu baaqayaa mas'uuliyiinta Ruushka in ay sii daayaan iyada oo aan dib loo dhigin," ayuu Volker Turk, oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ku yiri hadal uu soo saaray.

Turk ayaa intaa ku daray in xukunka uu yahay "dharbaaxo kale oo ku ah sharciga iyo goobta madaniga ah ee Ruushka". Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka ayaa sidoo kale cambaareysay xukunka lagu riday Kara-Murza.

Markii la xukumay, Kara-Murza ayaa waxa uu ku qeyliyey kalmadda "Ruushka waa xor", waana hal-ku-dheg uu caan ku yahay siyaasigan mucaaradka xukuumadda Moscow.

Wax yar ka dib duulaankii Ukraine, "dhaleeceynta" ciidanka Ruushka ayaa noqotey fal-dambi ah oo lagu muteysan karo ilaa shan sano oo xabsi ah, halka faafinta macluumaad been ah ay horseedi karto 15 sano oo xarig ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM