Reer Galbeedka oo ka caroodey siyaasi lagu maxkamadeeyay Ruushka

Image
Vladimir Kara-Murza ayaa ku biiray liiska dhibaneyaasha sharci kasoo rogay kadib duulaanka Ukraine.

MOSCOW, Russia - Maxkamad ku taal Ruushka ayaa 25 sano oo xarig ah ku xukuntay Vladimir Kara-Murza kaasoo aad u dhaleeceeyay dagaalka xukuumadda Mosocw ay ku qaadey dalka ay dariska yihiin ee Ukraine.

Kara-Murza ayaa xabsi loo taxaabay kadib markii lagu helay dambi ah inuu galay khiyaano qaran iyo inuu aflagaadeeyay ciidamada, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Jarmalka, iyo dowladda Ingiriiska ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday Kara-Murza, oo haysta dhalashadda Ruushka iyo Boqortooyada Ingiriiska.

"Qofna waa in aan xorriyadda looga qaadin gudashada xuquuqdooda bini'aadminimo, waxaana ugu baaqayaa mas'uuliyiinta Ruushka in ay sii daayaan iyada oo aan dib loo dhigin," ayuu Volker Turk, oo ah madaxa Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ku yiri hadal uu soo saaray.

Turk ayaa intaa ku daray in xukunka uu yahay "dharbaaxo kale oo ku ah sharciga iyo goobta madaniga ah ee Ruushka". Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka ayaa sidoo kale cambaareysay xukunka lagu riday Kara-Murza.

Markii la xukumay, Kara-Murza ayaa waxa uu ku qeyliyey kalmadda "Ruushka waa xor", waana hal-ku-dheg uu caan ku yahay siyaasigan mucaaradka xukuumadda Moscow.

Wax yar ka dib duulaankii Ukraine, "dhaleeceynta" ciidanka Ruushka ayaa noqotey fal-dambi ah oo lagu muteysan karo ilaa shan sano oo xabsi ah, halka faafinta macluumaad been ah ay horseedi karto 15 sano oo xarig ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM