Roch Marc oo ku guuleystey doorashada Burkina Faso

Image

December 1, 2015 (GO)- Roch Marc Kabore ayaa loo doortey madaxweynaha cusub ee dalka Burkina Faso, kadib doorasho taarikhi ah oo dalkaas ka dhacday shalay oo Isniin ahayd. 

Kabore ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee madani ah ee dalka Burkina Faso uu yeesho laga soo bilaabo markii uu xornimada qaatey sanadkii 1960.

Guddiga doorashada  ayaa shaaciyey in murashaxa xibiga Dhaq-dhaqaaqa Horumarinta Dadka MPPP uu helay codad gaaraya %53.5, sidaasna ay guushu ku raacday.

Doorashada oo ay 14 murashax ku tartameen waxaa ka qayb galay oo codadkooda dhiibtay shan milyan oo qof. Horay waxaa loo qorsheeyey in doorashadu qabsoonto bishii October ee lasoo dhaafay, balse waxaa dib u dhaca keenay afgembi dhicisoobay oo ay ciidamadu sameeyeen.

Madaxweynaha cusub ayaa bedeli doona Zephirin Diabre oo isagu ah madaxweynaha dowladda kumeel gaar ah ee la dhisay kadib markii xukunka laga tuuray Blaise Compaore horraantii 2014. Compaore oo xukunka afgembi kula wareegey wuxuu talada dalkaas soo hayey 27 sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM