Roobab duufaano wata oo laga baqayo in ay ka da'aan Jabbuuti

Image

JABBUUTI - Dawlada Jabbuuti ayaa ka digaysa in dalka ay ku soo food leeyihiin roobab duufaano wata, waxaana dadka looga digayaa qatarta ka imaan karta, xilli xalay ay roobab ka da’een qeybo ka mid ah dalkaas.

Agaasimaha Saadaasha Hawada Maxamed Ismaciil Nuur ayaa shegey in duufaantas oo lagu magac daray (TEEJ) ay ku dhufatey xeebaha Yaman, waxaana ay taasi keentey in ay yaraato saameynta ay ku yeelan leheyd Jabbuuti, iyado isku bedeshey roobab badan oo dabeylo wata.

Wakaalada Qaran ee Saadaasha Hawada ayaa sheegeysa in roobab ay da'i doonaan Maanta, Jimcaha iyo Sabtida, roobabkaas oo ah fadadkii kasoo go'ay duufaantii TEEJ ee habeenkii Arbacadii Taabatey Yamen.

Magaalooyinka roobabkaas ay ka da'i doonaan waxa ka mid ah magaalooyinka badda ay marto isla markaana xeebo leh sida: Caasimada Jabbuuti iyo Gobolada Waqooyi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM