Roobab duufaano wata oo laga baqayo in ay ka da'aan Jabbuuti

Image

JABBUUTI - Dawlada Jabbuuti ayaa ka digaysa in dalka ay ku soo food leeyihiin roobab duufaano wata, waxaana dadka looga digayaa qatarta ka imaan karta, xilli xalay ay roobab ka da’een qeybo ka mid ah dalkaas.

Agaasimaha Saadaasha Hawada Maxamed Ismaciil Nuur ayaa shegey in duufaantas oo lagu magac daray (TEEJ) ay ku dhufatey xeebaha Yaman, waxaana ay taasi keentey in ay yaraato saameynta ay ku yeelan leheyd Jabbuuti, iyado isku bedeshey roobab badan oo dabeylo wata.

Wakaalada Qaran ee Saadaasha Hawada ayaa sheegeysa in roobab ay da'i doonaan Maanta, Jimcaha iyo Sabtida, roobabkaas oo ah fadadkii kasoo go'ay duufaantii TEEJ ee habeenkii Arbacadii Taabatey Yamen.

Magaalooyinka roobabkaas ay ka da'i doonaan waxa ka mid ah magaalooyinka badda ay marto isla markaana xeebo leh sida: Caasimada Jabbuuti iyo Gobolada Waqooyi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM