Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Image

MUNICH — Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa khudbad uu ka jeediyey shir-weynaha Amniga ee Munich ku sheegay in Mareykanka iyo Yurub ay yihiin xulafo taariikhi ah oo aan kala maarmin, isaga oo ku baaqay in dib loo xoojiyo midnimada reer Galbeedka xilli ay jiraan kala fogaansho siyaasadeed.

Rubio wuxuu carrabka ku adkeeyey in xiriirka labada dhinac uu ku dhisan yahay taariikh dheer, dhaqan, diimo wadaag iyo iskaashi millatari oo soo jireen ah. Si kastaba, isagoo matalaya aragtida maamulka Donald Trump, ayuu dhaliilay xuduudaha furan, socdaalka ballaaran, ganacsiga xorta ah ee aan xadidnayn iyo waxa uu ku tilmaamay hoos-u-dhaca warshadaha reer Galbeedka.

Inkasta oo hadalkiisa si wanaagsan loo soo dhoweeyey — maadaama uu diiradda saaray mideynta xulafada — haddana wuxuu soo bandhigay mowqifyo ay ku kala aragti duwan yihiin Yurub iyo Washington. Wuxuu muujiyey shaki ku saabsan siyaasadaha dhimista qiiqa kaarboonka, si kululna u dhaliilay doorka Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in hay’addu aysan xal muuqda ka keenin caqabadaha waaweyn ee caalamka.

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii tegay — taas oo si weyn u fajac gelisay reer Yurub — hadalka Rubio waxaa loo arkay mid deggan oo dib u dhisaya kalsoonida isbahaysiga.

Dhanka Yurub, hoggaamiyeyaashu waxay muujiyeen in qaaraddu doonayso inay qaadato masuuliyad difaac iyo amni oo ka madax-bannaan Mareykanka. Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in Yurub ay khasab ku tahay inay noqoto mid istaraatiijiyad ahaan u madax-bannaan xaaladda cakiran ee dunida maanta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in Yurub ay noqoto quwad juqraafi-siyaasadeed oo buuxda, halka Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ay tilmaantay in weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay hadallada Trump ee la xiriira Greenland.

Hoggaamiyeyaasha Jarmalka iyo Faransiiska waxay ka digeen in isbeddellada siyaasadda arrimaha dibadda ee Washington — gaar ahaan ganacsiga iyo cimilada — ay sii kordhin karaan kala fogaanshaha, iyagoo xusay in xulafada NATO ay weli muhiim u tahay Mareykanka laftiisa.

Dhanka kale, xubno ka tirsan Dimuqraadiga Kongareeska Mareykanka ayaa soo bandhigay jawaab ay ku dhaliileen khudbadda Rubio, iyaga oo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee hadda jirta ay u muuqato mid ay ka dhex muuqdaan dano gaar ah iyo musuq. Jason Crow ayaa ku eedeeyey maamulka in siyaasadda dibadda loo leexiyey si ay uga faa’iideystaan shirkadaha waaweyn iyo kooxaha awoodda leh.

Alexandria Ocasio-Cortez ayaa iyaduna qiratay in xukuumaddii hore ay ku doodday inay hirgelinayso siyaasad dibadeed oo u adeegta dabaqadda dhexe, balse horumarkaasi uu hoos u dhacay caro ka dhalatay taageerada millatari ee Mareykanka uu siiyo Israa’iil dagaalka Gaza.

Arrinta Ukraine — oo ah welwelka amni ee ugu weyn Yurub — Rubio wuxuu qiray in dadaallada diblomaasiyadeed ee maamulka Trump aysan weli miro dhalin, isaga oo sheegay in weli la baarayo suurtagalnimada heshiis ay wada aqbali karaan Kyiv iyo Moscow.

Shirka Munich ayaa sanadkan noqday madal ay labada dhinac ku falanqeeyaan mustaqbalka nidaamka caalamiga ah, iyadoo la isku raacay hal qodob: Yurub waa inay kordhisaa kharashaadka difaaca oo ay qaadato door amni oo ballaaran — xitaa iyadoo iskaashiga Mareykanka uu weli lama huraan yahay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM