Russia oo Mareykanka la xiriiriyey inqilaab dhiig ku daatey

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xusay in kacdoonkii shacabka ee 2014 galaaftey Madaxweynihii hore ee Ukraine, Viktor Yanukovich, uu ahaa "afgambi" ay maleegtey Mareykanka ayna taageereen xulafadeeda Yurub markii Washington ay codsatay iskaashi qaaradeed.

Qoraal uu ku daabacay wargayska jarmalka ah ee loo yaqaan 'Die Zeit' isaga oo xusaya sanadguuradii 80aad ee ka soo wareegtay weerarkii Jarmalka ee Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Putin wuxuu ku tilmaamay Talaadadii riditaanka Yanukovich inuu yahay "afgambi hubaysan oo dastuurka ka soo horjeeda".

Moscow waxay muddo dheer ku eedeyneysay Mareykanka inuu hurinaayo qalalaasaha ka taagan Ukraine, halkaas oo xurgufta kala dhaxeysa deriska Russia ay ku soo korortay tan iyo markii meesha laga saaray Yanukovich, oo ah hogaamiye taageersan Kremlin.

Kadib riditaankii Febraayo 2014, Ruushka ayaa la wareegay gobolka Badda Madoow ee Crimea wuxuuna taageero siiyay dagaalyahannada gooni u goosadka ah markii isku dhac hubeysan uu ka qarxay bariga Ukraine.

"Muxuu Mareykanku u abaabulay afgembi, maxayse dalalka Yurub ugu daciifeen una taageereen, iyagoo ku kiciyay kala qeybinta Ukraine lafteeda iyo ka bixitaanka Crimea?," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Hadda dhammaan nidaamyada amniga Yurub si dhab ah ayaa loo nacay. Xiisaduhu waa sii kordhayaan, khataraha loolanka hub cusub ayaa run noqonaya".

Hadalka Putin ayaa daba socda shirkiisii ​​aadka loo sugayay ee Geneva uu la yeeshay dhigiisa Mareykanka Joe Biden usbuucii la soo dhaafay, waqtigaas oo labada mas'uul ay xuseen in is-aragooda uu aas aas u noqon doono heshiisyada xakamaynta hubka mustaqbalka iyo inay ku soo celiyaan safiiradooda danjirayaashooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM