Russia oo Turkiga ku eedaysay inay taageerayso argagixisada
24 November, 2015(GO)-Diyaar dagaal oo laga leeyahay dalka Russia ayaa maanta oo Talaada ah lagu soo riday xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Turkiga sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga dalkaasi.
Riditaanka diyaaradan ayaa timi ka dib markii ay gashay hawada Turkiga, kana dhaga adaygtay digniino la siiyay, waxaana sidaasi shaaciyay xubno ka tirsan Milatariga dalkaasi.
Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Su-24 aysan maranaba ka bixin xududda Syria. Russia waxay sidoo kale sheegtay in duuliyayaashii diyaaradda ka baxeen ka hor intaysan dhicin, balse lama oga xaaladooda.
Video laga helay goobta shilka uu ka dhacay ayaa muujinayey laba duuliye oo baarashuut ku degaya.
Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin diyaaradda lasoo riday, balse ay si dhow isha ugu hayaan arrintan.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin, ayaa ka hadlay dhacdadan xilli magaalada Sochi oo kula kulmay boqorka Jordan boqor Cabdalla, wuxuuna Turkiga ku eedeeyay inay taageero siiso argagixisada.
“Tallaabada Turkiga ma jito wax lagu macneeyo oo aan ka ahayn inay tahay ficil dhabar ka toogasho oo ay sameeyeen kuwa la jira argagixisada” ayuu yiri Putin.
Falkan ayaa imaanay xilli Turkigu dhawr jeer oo hore dalka Ruushka uga digay in diyaaradihiisa dagaalka soo galaan hawadooda, waxaana diyaaradan maanta la riday xilli la siiyay 10 digniinooda, 10 daqiiqo gudahooda sida saraakisha dalkaasi sheegayaan.
GAROWEONLINE