Ruushka: Diyaarad kale oo ku dul-burburtay guri dabaq ah

Image
Sida laga soo xigtay wasaaradda xaaladaha degdegga ah ee Ruushka, diyaaradda ayaa ku jirtay tijaabo markii ay dhaceysay.

MOSOCOW, Russia - Diyaarad militari oo laga leeyahay waddanka Ruushka ayaa ku burburtay xaafado ku yaalla koonfurta Siberia, sida ay sheegeen maamulka dalkaasi, sida ay qortey saxaafada.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Sukhoi Su-30 ayaa ku dul-dhacdey guri labo dabaq ah oo ku yaala magaalada Irkutsk, sida uu sheegay barasaabka gobolka Igor Kobzev oo qoraal soo dhigay Telegram.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu goobta ku sugnaa, isla markaana ay dhinteen labadii duuliye, balse aysan jirin dhibaato soo gaartay dadka deegaanka. Sida laga soo xigtay wasaaradda xaaladaha degdegga ah ee Ruushka, diyaaradda ayaa ku jirtay tijaabo markii ay dhaceysay.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaaradda oo si toos ah u quusaysa ka hor inta aysan ku dhicin kubbadda dabka, taasoo qiiq madow cirka isku shareertay.

Guddiga dambi baarista ee dowlada Ruushka ayaa sheegay in ay fureen baaritaan dambiyeed ku xadgudubka xeerarka badqabka hawada. Waa dhacdadii labaad ee nooceeda ah muddo lix maalmood gudahood ah.

Baaritaanka ayaa lagu waddaa in macluumaadka kasoo baxa lala wadaago madaxwayne Putin kahor inta aan si rasmi ah loogu soo bandhigin dadwaynaha wallow ay naadir tahay midaas.

Isniintii la soo dhaafay, diyaarad nooca Sukhoi Su-34 ayaa waxay ku burburtay guri dabaq ah oo ku yaalla koonfurta magaalada Yeysk, oo u dhow dariskooda Ukraine, waxaana ku dhintay ugu yaraan 15 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM