Ruushka: In ka badan 60 qof oo lagu dilay weerar ay sheegatay ISIL

Image
Weerarka ayaa dhacay hool riwaayadaha lagu dhigo oo ku yaal magaalada Moscow.

WASHINGTON, USA - Weerar ka dhacay hool riwaayadaha lagu dhigo oo ku yaal magaalada Moscow ayaa lagu dilay ugu yaraan 60 qof, waxaana ku dhaawacmay 100 kale, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta laamaha ammaanka ee waddanka Ruushka.

Ugu yaraan afar qof oo xiran dharka isqarxinta ayaa rasaas ku furay Crocus City Hall oo ku yaal Krasnogorsk, muuqaal baraha bulshada la soo geliyay oo BBC-du xaqiijisay ayaa sidaas muujinaya.

Saqqafka hoolka riwaayadaha, halkaas oo dadku ku sugayeen inay daawadaan bandhig faneed rock ah, ayaa dab qabsaday sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Wasaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaamtay “weerar argagixiso”. Balse, markii dambe waxaa mas'uuliyadda falkan sheegatay kooxda ISIL.

Sawirrada ayaa muujinaya olol iyo qiic cirka isku shareeray. Wakaaladda wararka Tass ayaa sheegtay in saddex meelood meel goobta xafladda ah uu dab qabsaday, saqafkuna uu gebi ahaanba gubanayo. Warbaahinta Ruushka ayaa sheegaysa in tigidhada xafladda  kooxda Picnic la iibsadey 6,200 tigidh.

Goobjoogayaal ayaa ka hadlay weerarka. Nin lagu magacaabo Vitaly ayaa sheegay inuu balkoonka hoolka ku sugnaa markii uu maqlay dhawaqa rasaasta.

“Markii hore ma garaneyn waxa dhacay. Kadib waxaan arkay rag hubeysan oo  dadka tooganaya,” ayuu yiri Vitaly. “Waxay tuureen bambooyin shidaal ah, wax walbana waa bilaabeen inay gubaan.“ 

Goobjooge magaciisa la qariyay ayaa wakaaladda Reuters u sheegay: “Si lama filaan ah ayaa qaraxyo nooga bilowdeen iyo rasaas. Rasaas xooggan ayaa bilaabatay - garan maayo waxa ay ahaayeen. Dadkii ayaa is buurtey , qof walbana wuxuu u cararay jaranjarada.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM