Ruushka iyo Shiinaha oo bilaabay dhoolatus milatari wadajir ah

Image
Moscow iyo Beijing ayaa waxay diiradda saarayaan "kor u qaadista" heerka kalsoonida labada dhinac.

MOSCOW, Russia - Ciidamada badda ee Shiinaha iyo Ruushka ayaa Arbacada maanta ah bilaabay dhoolatuskooda milatari ee wadajirka ah ee badda bari ee waddanka Shiinaha.

Moscow iyo Beijing ayaa waxay diiradda saarayaan "kor u qaadista" heerka kalsoonida labada dhinac iyo kor u qaadida samaynta habka wadajirka ah ee ilaalinta badda.

Dhoolatuskan ayaa qeyb ka ah iskaashiga sanadlaha ah ee u dhaxeeya ciidamada Shiinaha iyo Ruushka, sida ay sheegtay majalad ku soo baxda afka militariga Shiinaha.

Maraakiibta Shiinaha ayaa Salaasadii shalay ka shiraacday deked milatari oo ku taal Zhoushan ee bariga gobolka Zhejiang halka maraakiibta badda ee Ruushka ay Sabtidii hore ka ambabaxeen magaalada Vladivostok si ay dhoolatus milateri u sameeyaan.

"Waxay muujin doontaa go'aanka iyo awoodda labada dhinac inay si wadajir ah uga jawaabaan khataraha amniga badda iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida caalamiga ah iyo gobolka," ayay tiri majaladda.

Maraakiibta Gantaalka ee Ciidanka Badda Ruushka Varyag, Marshal Shaposhnikov, Corvettes Aldar Tsydenzhapov iyo Sovershenny, iyo markabka saadka ee Pechanga ayaa ka qayb qaadanaya dhoolatuska.

Isniintii, xukuumadda Moscow ayaa waxay carabka ku adkeysay "ujeedka ugu weyn" ee dhoolatuska wadajirka ah ee badda uu yahay "waa in la xoojiyo iskaashiga badda" ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM