Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Image

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa is-dhaafsaday maxaabiis dagaal, iyadoo Ruushku sii daayay 307 maxaabiis oo Ukrainian ah, isla markaana Ukraine ay sii daysay 307 maxaabiis Ruushka ah.

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

Si kastaba ha ahaatee, is-dhaafsigan ayaa dhacay xilli Ruushku uu weerar cirka ah ku qaaday caasimadda Kyiv, isagoo adeegsanaya 14 gantaal iyo 250 diyaarad aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo sababay dhaawaca ugu yaraan 15 qof iyo gubashada dhismayaal badan oo ku yaal lix degmo oo ka tirsan Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo ku eedeeyay Ruushka in uu joojiyay dadaallada nabadda, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan cunaqabateynta Ruushka.

Dhanka kale, Ruushka ayaa sheegtay in ay diyaarinayso qoraal ku saabsan heshiis xabbad-joojin ah, laakiin Ukraine ayaa ku tilmaantay in weerarada sii socda ay muujinayaan in Ruushku aanu diyaar u ahayn nabad dhab ah.

Is-dhaafsigan maxaabiista iyo weerarkii cusub ee Kyiv ayaa muujinaya in xaaladda dagaalka ay weli kacsan tahay, iyadoo labada dhinac ay isku dayayaan in ay muujiyaan awoodooda iyo go'aankooda ku aaddan nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Bariga Dhexe: Trump oo ugu hanjabay Iran weerar aan horey loo arag

Difaaca cirka ee Qatar ayaa ka hortagay 17 gantaal iyo 6 diyaaradood oo drones ah oo laga soo riday dhanka Iran.

  • Caalamka

    11-03-2026

  • 06:50AM

Erdogan oo ku yiri Madaxweynaha Iran: Ku xadgudubka Hawada Turkiga ma lahan wax cudurdaar ah

Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay tacsida uu u diray geerida Khamenei, wuxuuna muujiyay rajada ah in doorashada Mojtaba Khamenei.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 07:31PM