Ruushka oo 15 gantaal ku duqeeyay caasimadda Ukraine

Image
Moscow ayaa sheegtay in gantaaladan ay aargoosi u ahaayeen "arbushaad ka dhacdey xuduudka".

MOSCOW, Russia - Mowjado duqeymo ah oo ay geysteen ciidamadda Ruushka ayaa Khamiista maanta ah waxay ka dhaceen caasimadda Ukraine, iyadoo la soo sheegayo in khasaare xooggan uu ka dhashay.

Weeraradan ayaa loo adeegsadey gantaaladii ugu badnaa ee Ruushka ku garaaco waddanka Ukraine tan iyo dhamaadkii bishii Janaayo, markaasoo 11 qof ay ku dhinteen.

Sidoo kale, waxaa la duqeeyay deegaano ay dagan yihiin balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, sidda laga soo xigtey saraakiisha ammaanka.

"Illaa 15 gantaallo ayaa lagu dhuftey xarunta magaalada Kharkiv iyo gobolka  si lamid ah xarumo kaabayaasha muhiimka ah iyo dhismo ay dad degan yihiin," ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda Ukraine.

Galbeedka Ukraine, ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay Lviv ka dib markii gantaal uu ku dhacay gurigooda, barasaabka gobolka Maksym Kozytskyi ayaa sidaas ku sheegay ciwaankiisa Telegram.

Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ay duqeeyeen gobolka Dnipropetrovsk, sida uu sheegay barasaabka Serhii Lysak.

Dhanka kale, wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sheegay in laamaha amaanka ee gobolka Transdniestria ee Moldova oo ay taageerto Moscow ay sheegeen in ay fashiliyeen isku day dil oo ka dhan ahaa hogaamiyaha gobolka.

TASS waxay ka soo xigatay saraakiisha ammaanka in hay’adaha sirdoonka ee Ukraine ay amreen isku daygaas. "Wasaaradda amniga ee gobolka ayaa ku wargelinaysa ka hortagga weerar argagixiso," ayuu yiri.

Afhayeen u hadlay waaxda ammaanka ee Ukraine ayaa sheegay in hoggaanka waddankaas uu arrintan ka shirayo ayna dib ka faalloon karaan xaaladaha ku gadaaman.

Ukraine iyo Ruushka ayaa in ka badan muddo sanad ah waxaa ka dhex-aloolsan colaad galaafatay nolosha boqolaal ruux isla markaana ay ku barakaceen malaayiin ruux oo u badan dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM