Ruushka oo beeniyay in Putin uu ku lug lahaa dilka taliyihii Wagner

Image
Aaska hogaamiyeyaashii Wagner

MOSCOW, Ruushka - Ruushka ayaa diiday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo shilkii diyaaradeed ee ku geeryooday hogaamiyaha hoggaamiyaha kooxda calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin.

Afhayeenka Madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa yiri:

"Ma jirto meel looga hadlo in wadamo shisheeye ay ka qeybgalaan baaritaanka” isagoo ku baaqay in la sugo natiijada ka soo baxda baaritaanka Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Hay’adda Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Brazil in Ruushku ku wargeliyay in aysan baari doonin wakhti xaadirkan burburkii ku yimid diyaaradda ee ay Brazil laga soo saaray.

Peskov wuxuu sheegay in ay iska caddahay in xisaabaadka kala duwan la tixgeliyo, oo ay ku jiraan in cid kale ay ku lug laheyd shilka. Waana qoraalkii ugu horreeyay ee Ruushka oo muujinaya suurtagalnimada dilka Prigozhin.

Balse Madaxtooyada ayaa beenisay in ay door ku lahayd shilka diyaaradeed, Peskov ayaa ku nuuxnuuxsaday hadalka ah in Putin aanu wax lug ah ku lahayn dhacdada, isaga oo leh, “Aan sugno natiijada”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM