Ruushka oo bilaabay mowjado duqeymo ku wajahan Ukraine

Image
Ciidamada difaaca cirka ee Ukraine ayaa sheegay in dalka oo dhan uu halis ugu jiro weerar hubka ballistic ah.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa bilaabay mowjado kale oo duqeymo ah oo ku wajahan Ukraine - maalin kadib mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa ee dhanka cirka ee dagaalka

Ugu yaraan afar qof ayaa la dilay xalay. Ciidamada difaaca cirka ee Ukraine ayaa sheegay in dalka oo dhan uu halis ugu jiro weerar hubka ballistic ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Kyiv "shaki la'aan uu Ruushka uga jawaabi doono weerarkan iyo dhammaan weerarrada kale"

Isniintii, toddobo qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii in ka badan kala bar gobollada Ukraine lagu weeraray diyaarado iyo gantaallo.

Weerarradan ayaa imaanaya saddex toddobaad kaddib markii uu billowday duulaanka Ukraine ee gobolka Kursk ee Ruushka - Moscow ayaa wacad ku martay inay ka aargoosan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM