Ruushka oo bilaabay mowjado duqeymo ku wajahan Ukraine

Image
Ciidamada difaaca cirka ee Ukraine ayaa sheegay in dalka oo dhan uu halis ugu jiro weerar hubka ballistic ah.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa bilaabay mowjado kale oo duqeymo ah oo ku wajahan Ukraine - maalin kadib mid ka mid ah weeraradii ugu weynaa ee dhanka cirka ee dagaalka

Ugu yaraan afar qof ayaa la dilay xalay. Ciidamada difaaca cirka ee Ukraine ayaa sheegay in dalka oo dhan uu halis ugu jiro weerar hubka ballistic ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Kyiv "shaki la'aan uu Ruushka uga jawaabi doono weerarkan iyo dhammaan weerarrada kale"

Isniintii, toddobo qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii in ka badan kala bar gobollada Ukraine lagu weeraray diyaarado iyo gantaallo.

Weerarradan ayaa imaanaya saddex toddobaad kaddib markii uu billowday duulaanka Ukraine ee gobolka Kursk ee Ruushka - Moscow ayaa wacad ku martay inay ka aargoosan doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM