Ruushka oo saddex shardi ku xiray Wadahadalka Ukraine

Image

MOSCOW - Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa diiday fikradda ah in Ruushka oo u fadhiisto wada xaajoodka Ukraine waqtigan xaadirka ah, wuxuuna dhigay 3 shardi si nabad lagu soo gabagabeeyo colaada Ukraine.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Ruushka, Dmitry Medvedev ayaa qiimeeyay natiijadii ka soo baxday wada-hadalladii Ukraine ee ka dhacay magaalada Jeddah, isagoo sheegay in dadku ay xaq u leeyihiin aayo-ka-tashigooda, si la mid ahna dalalka ay xaq u leeyihiin inay helaan madaxbannaani.

Medvedev waxa uu tilmaamay in hindise kasta oo lagu xalinaayo khilaafka Ukriane ay tahay inuu buuxiyo 3aan shuruudood oo waaweyn:

1- Labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo waa inay ka qayb gataan wadahadalada, ma aha sidii ka dhacay shirkii Jeddah oo ka maqnaa Ruushka.

2- In la tixgeliyo taarikhda guud, ma jirin dowlad Ukraine la yiraahda ka hor 1991, waxayna aheyd qayb ka mid ah Boqortooyada Ruushka.

3- In la tixgaliyo waaqica taagan, Ukraine waxay maraysaa marxalad ay kala qeybsantay, halka qayb ka mid ah dhulkeedii ay ku soo noqotay gacanta Ruushka.

Waxa uu sheegay in dhexdhexaadiye kasta oo nabadda ka shaqeeya ay tahay inuu aqoonsado qodobadan cad, si fursad loo siiyo in lagu guuleysto nabada. Hadii aysan dhicinna ay dagaalka sii wadi doonaan.

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey: "Haddaba, hadda looma baahna gorgortan, cadawgu waa inuu jilbaha dhulka u dhigaa, isagoo naxariis naga baryaya."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM