Ruushka oo si carro leh uga jawaabay dil loogu hanjabay Vladimir Putin

Image
Moscow ayaa waxay dalbatay in cunaqatabeyn lagu soo rogay mas'uuliyiinta dalkan.

MOSCOW, Russia - Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in uu rajaynayo in reer galbeedku ay cunaqabatayn ku soo rogaan mas’uuliyiinta Ukraine ka gadaal markii ay u hanjabeen madaxweyne Vladimir Putin.

Vadim Skibitsky, oo ah ku xigeenka madaxa agaasinka sirdoonka ee Ukraine, ayaa u sheegay wargeyska German Welt, in Putin uu "ku jiro liiska dadka ay Ukraine dooneyso in ay khaarijiso".

Lavrov oo ka jawaabay hadalkaas isla markaana adeegsadey luuqad aad u adag ayaa wuxuu sheegay in lasoo gaarey waqtigii Kiev loo aqoonsan lahaa in ay tahay "dal argagixiso". "

"Waxaan rajeynayaa in cunaqabateynta ka dhanka ah 'mas'uuliyiintan ugu sarreeya' ay raaci doonaan," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo wareysi siiyay TV-ga Ruushka ee Rossiya 24.

Lavrov waxa uu intaa ku daray in uu rumaysan yahay in "mashruucyada fadhiya Washington iyo London ay bilaabeen in ay la yaaban yihiin sida ay dadkani [masuuliyiinta sare ee Ukraine] ugu filan yihiin".

8-dii Maajo, Kyrylo Budanov, oo ah madaxa Agaasinka Sirdoonka ee Ukraine, ayaa ka hadlay dilka weriyaha Ruushka u dhashay ee Darya Dugina wuxuuna yiri: "Waan dilnay, dilnay, waana ku dilaynaa Raashiyaanka meel kasta oo adduunka ah".

Dugina ayaa ahaa saxafi ka faallooda arrimaha milatariga kaasoo si weyn uga soo dhex-muuqday dagaalka Ukraine iyo Ruushka ee galaaftey nolosha boqolaalka qof ee u badan askar ka kala tirsan labada dal ee colaada soo jireenka ah dhextaalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM