Ruushka oo Soomaaliya u dhoofin doono Qamadiga si bilaash ah

Image

MOSCOW, Ruushka - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay Maanta, intii uu socday shir madaxeed uu madaxda Afrika kula yeeshay magaalada St. Petersburg in Ruushku oo awood u leeyhay in uu Ukraine kala wareego Qamadiga loo dhoofiyo qaaradda Afrika. 

Putin ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in lix waddan oo qaaradda Africa ku yaalla u dhoofiyo qamadiga, muddo afar bil gudaheed. 

Waxa uu xusay in dalalkaasi ay kala yihiin Soomaaliya, Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Central African Republic iyo Eritrea, isagoo sheegay in midkiiba ay heli doonaan 25 ilaa 50 kun oo tan. 

Putin ayaa ku nuuxnuuxsaday in xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dalalka Afrika uu koray, sidoo kale waaxaa kordhay heerka iibka badeecadaha, in kasta oo uu caabuqa COVID-19 iyo cunaqabataynta dhaqaale ee Ruushka saaran uu saameyn ku yeeshy. 

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale intaa ku daray in ganacsiga beeraha ee ka dhexeeya Ruushka iyo Afrika uu kor u kacay 10 boqolkiiba. 

Waxaa xusid mudan in howlaha shirka labaad ee "Ruushka & Afrika" uu Maanta ka bilaabmay magaalada St. Petersburg, kaas oo loo qorsheeyay inuu socdo laba maalmood. 

Madaxweynaha Ruushka ayaa shirkaan ku tilmaamay mid weyn oo gacan ka geysan doona xoojinta xiriirka uu Ruushka la leeyahy qaaradda Afrika oo ku sii xoogeysanaysa masraxa caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM