Ruushka oo su'aallo waydiiyey safiirka Mareykanka

Image
Mosocw ayaa ku eedeyneysa Washington faragelin kahor doorashooyinka baarlamaanka bisha soo aadan.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa sheegay inay u yeeray safiirka Mareykanka ee dalkaas sababo la xiriira faragelin la sheegay in Washington ay ku hayso doorashada baarlamaanka Russia ee bisha soo aadan.

Moscow ayaa haysata "caddeyn aan la dafiri karin" oo ah in shirkadaha tiknoolajiyadda ee fadhigoodu yahay Mareykanka ay ku xadgudbeen sharciyada Ruushka ka hor doorashada soo socota ee Aqalka Hoose ee Duma, sida ay bayaan wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ku sheegtay Jimcihii.

Ma aysan cayimin waxa shirkadaha iyo xadgudubyada ay tilmaamayso. Wasaaradda ayaa intaas u dartey in danjire John Sullivan uu kulan la qaatay Sergei Ryabkov, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka.

"Arrintan marka la eego waxaa lagu sheegay in faragelinta arrimaha gudaha ee dalkeenna ay tahay mid aan la aqbali karin," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

Ruushka ayaa dhawaanahan sare u qaaday gacan ku haynta internet-ka wuxuuna talaabo sharci ah ka qaadayaa shirkadaha tiknoolajiyadda shisheeye maadaama aysan tirtirin waxyaabaha ay mas'uuliyiintu mamnuuceen.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Ruushka iyo wasaaradda arrimaha dibadda. Isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo ayaysan wali si rasmi ah uga jawaabin.

Horaantii bishii Sebtembar, Ruushka ayaa sheegay in diidmada Apple iyo Google ee ku aadan in ay barahooda ka xanibaan siyaasiga mucaaradka ku ah Kremlin ee Alexey Navalny ay u arkeyso faragelin doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM