Ruushka oo tarxiilay wariye ka tirsan warbaahinta BBC-da

Image
Moscow ayaa u cuskatay talaabadan "takoorka ay London ku hayso saxafiyiinta Russia". [Photo: Reuters]

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa u sheegay weriye ka tirsan BBC -da oo ka hawlgala Moscow inuu ka tago waddankaas dhammaadka bishaan, sida uu baahiyay TV -ga dawladdu goor dambe oo Khamiistii ah.

Sida laga soo xigtay warbixinta telefishinka, talaabadan ayaa salka ku haysa aargoosi ka dhan ah waxa ay ugu yeeray "takoorka London ku hayso saxafiyiinta Ruushka ee ka hawlgala Britain".

TV-ga Rossiya-24 ayaa sheegay in Sarah Rainsford, oo ka mid ah labada weriye ee telefishanka British-ka uga howlgala Moscow, ay dalkeeda ugu laabaneyso wax ay ugu yeertay "masaafurin taariikhi ah".

Tallaabadan ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxay sidoo kale jawaab u tahay diidmadii London ee dib -u -cusboonaysiinta ama bixinta fiisooyinka saxafiyiinta Ruushka ee ka howlgala Britain.

Dowladda Ingiriiska kama aysan jawaabin tarxiilkan. BBC -da ayaa ka gaabsatay dhacdadan, balse waxaa la filayo in ay soo saarto war-saxaafadeed. Rainsford kama uusan jawaabin codsi ahaa in ay hadasho.

Safaaradda Ingiriiska ee Moscow ayaa qudheeda waxay ka gaabsatay codsi uga yimid warbaahinta caalamka sidda wakaaladda wararka Reuters oo ahaa in ay caddeyso mowqifkeeda.

Rainsford, oo ku hadasha luuqadda Ruushka, waa weriye sarre leh oo muddo dheer ka shaqeynaysay BBC -da waxayna madax kasoo noqotay xafiisyadda Havana, Istanbul iyo Madrid.

Haweenaydan ayaa qeyb ka ah idaacadda BBC-Russia iyaddoo howlgaleysa tan iyo Midowgii Soofiyeeti. Laanta afka Ruushka ee BBC-da waxay si weyn mucaarad ugu tahay nidaamka Putin oo hadda galaya doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM